WAR CUSUB: Mourinho oo si uu ugu biiro Man United u sameeyay Sababtaan…Ogow

Macalinkii hore Chelsea Jose Mourinho ayaa la soo warinayaa in loo soo jeediyay shaqada tababare ee Manchester United, ka dib burinta Louis van Gaal oo si walbo maareyn waayay kooxda Red Devils waqtigiisa uu gaba gabo ku dhow yahay.

52-sano jirkaan ayaa laga ceyriyay naadiga Chelsea horaantii bishaan ka dib guuldarooyin badan oo horyaalka Ingiriiska, wuxuuna kaliya guuleystay 16-kii kulan uu ciyaaray 4 jeer.

Si walbo ha ahaatee, Mourinho ayaa ah musharaxa koowaad ee Van Gaal kala wareegi doona garoonka Old Trafford .

Ka dib, maalintii la ceyriyay ilaa iyo hada waxaa si toos loola xiriirinaayay United balse waxaa soo baxaya wararka sheegaya I ay cadahay Mourinho inuusan diyaar u aheyn lacagaha mushaar ahaan u qaadan doono maadaama qiimo hoose Man United ku dooneyso in macalinka ay siiso si la mid ah Van Gaal  hadiise maamulka United ogolaadaan mushaar badan wuu dhamaan doonaa heshiiska dhowaan.

Dalabyada uu Mourinho u burburiyay si uu majaraha ugu qabto United waxaa ka mida sida Metro aan ka soo xiganeyno dalab uga yimid Real Madrid oo rabta inuu noqdo macalinka xiga ee kooxda maadaama shaqada Benitez shaki la gelinaayo.

Horyaalka Facebook Horyaalka Twitter Horyaalka Google+ Horyaalka Youtube Horyaalka